daajis.com:- Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka ceyrisay koox wariyeyaal ah oo ka socday BBC si ay usoo tebiyaan doorashada maalinta Jimcaha ka dhici doonta dalkaasi.
Idaacadda BBC ayaa warqad cabasho ah u qortay dowladda Djibouti oo ay uga codsanayso inay sheegto sababta ay u soo musaafurisay kooxda weriyayaasha ah oo BBC-da ka tirsan.
Kooxdani, oo uu ka mid ahaa weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka ee Africa, Tomi Oladipo, ayaa Djibouti u tegay inay diyaariyaan warar la xiriira doorashooyinka halkaasi ka socda.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad u tartamaya jagada madaxweynaha Djibouti.
Kooxdan ayaa waxaa fasaxay agaasimaha warbaahinta ee dalka Djibouti oo u oggolaaday inay ka soo warramaan dalkaasi, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay soo saartay BBC-da.
Kooxdan ayaa wareysi la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yusuf, iyo musharraxa mucaaradka, Cumar Cilmi Kheyre, kaddibna waxaa xiray rag ka tirsan ciidanka ammaanka oo xirnaa lebiska rayidka.
Kooxdan ayaa habeenkii oo dhan la haystay, iyagoo aan loo oggolaanin inay wax xiriir ah sameeyaan, kaddibna, diyaarad ayaa la soo saaray oo dalka ayaa laga soo musaafuriyay, iyadoo aan loo sheegin sababta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:38 and have
, Published at