Daawo Sawirada:- Gaarigii iyo raggii hoobiyihii Ku Duqeeyay Muqdisho ee la qabtay

Daawo Sawirada:- Gaarigii iyo raggii hoobiyihii Ku Duqeeyay Muqdisho ee la qabtay

daajis.com:- Waxaa markii ugu horeysay ciidamada booliska dowladda Somalia, ay gacanta ku dhigeen kooxo hoobiye ku tuurayay degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, iyadoo lala qabtay qorigii ay adeegsanayeen iyo gaarigii uu saarnaa oo ah nooca Hoomeyda loo yaqaan ee dadweynaha raacaan.

Inta aysan ciidamada booliska qaban waxaa kooxaha hoobiyaha tuurayay dhex maray iska horimaad, laguna dhaawacay labo ka mid ah maliishiyadaasi oo ka tirsan Al-Shabaab, halka labo kale oo midi uu ku hubeysnaa qoriga BKM uu iyo mid kale ay baxsadeen.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Jen. Cali Gaab ayaa sheegay in labada maliishiyo ee ciidamada booliska dhaawaceen ay gudaha u galeen guri, halkaasina loogu taba tegay oo ay ciidamadu kala soo baxeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawac soo gaaray labo askari oo ka tirsan boolisku.

Dhinaca kale, madaafiicda ay kooxdaan ku soo tuureen degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar qof, tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee ciidamada booliska qaadeen tan iyo markii lagu wareejiyay amaanka gobolka Banaadir iyaga iyo hay’adda nabadsugida.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada