daajis.com:- Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Syria, ayaa barta Internetka ku baahisay muuqaal argagax leh iyagoo bartamaha Magaalada Raqqa ee Syria ku tooganaya 4 maxbuus.
Kooxda ayaa kahor inta aysan toogan maxaabiista, waxay soo istaajiyeen meel laami ah oo aad u mashquul badan, dabadeedna waxay mid walbo sidii calaamada Kirishtaanka oo kale ugu xireen bartamaha laamiga, kadibna mid walbo madaxa ayay ka toogteen.
Dhacdadaan foosha xun ayaa kusoo aadeysa, xili kooxda ay maalmihii u dambeeyay lumisay dhul ballaaran.
Sidoo kale kooxda ayaa dilal ku fulisay qaar badan oo kamid ah dagaalyahanadeeda, kadib markii lagu soo eedeeyay ineey ka dambeeyeen shirqoolkii lagu dilay Abu Hija Al-tunusi, kaasoo ahaa sarkaal sare oo kooxda katirsan, waxaana lagu dilay duqeyn cirka ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:40 and have
, Published at