Dagaal Culus oo Goor Dhow ka Qarxay Duleedka Degmada Aadan-Yabaal

Dagaal Culus oo Goor Dhow ka Qarxay Duleedka Degmada Aadan-Yabaal

daajis.com:- Waxaa soo baxaya Wararka sheegaya in Degmada Aadan-yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe uu Duleedka Degmadaasi ka soconayo Dagaal Xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Dalka Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo amba-baxay Degaanka Muqokori oo ku soo jeeday Degmada Aadan Yabaal ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, iyadoo ilaa hadda halkaasi uu Dagaalk ka soconayo.


Dagaalka ayaa la isku Adeegsanayaa Hubka Nuucyadiisa kala duwan, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Jidka loo galay ay u soo socdeen Degmada Aadan Yabaal.
Degmada Aadan yabaal ayaa waxaa Maanta ilaa Xalay ka jiray Cabsi ay dadku ka qabaan in lagu Dul dagaalamo, iyadoo dadkii badankiisna ay halkaasi ka barakaceen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada