Wasaaradda Amniga Gudaha oo Digniin u Dirtay Shacabka Ku Nool Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha oo Digniin u Dirtay Shacabka Ku Nool Muqdisho

daajis.com:- Wasaaradda amniga gudaha ayaa waxa ay soo saartay Digniino iyadoo shalay ciidamada Nabad Suggida Qaranka ay fashiliyeen gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa Wasaarada Amniga ee Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay soo saartay digniino.

Digniintan ka soo baxday Wasaarada Amniga gudaha ayaa waxa ay ku wajahan tahay shacabka Soomaaliyed, waxaana looga digay Bulshada reer muqdisho inay ka feejignaadaan Qaraxyo Ururka Al Shabaab uu qorsheynayo inuu ka geysto Magaalada Muqdisho, iyadoo Bulshada la faray inay hubiyaan gaadiidkooda, goobahooda ganacsiga iyo Guryahooda.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri, ayaa sheegay in laga doonaayo Bulshada Soomaaliyeed inay is hubiyaan, islamarkaana ay ka feejignaadaan qaraxyada ay qorsheynayaan Shabaabka inay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Muddooyinkaan dambe ayaa waxaa sii kordhaayay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo dilal qorsheysan oo inta badan loo geystay xubno ka tirsan Nabad Suggida Qaranka ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho.
Tan iyo wixii ka dambeeyay, markii Dowladda Somaliya ay sheegtay in la dilay Madaxii Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab Xasan Cali Dhoore ayaa waxaa Magaalada ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay ilaa 6 xubnood oo Ciidanka Nabad Suggida ka tirsan.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa la galiyay heegan buuxa si ay uga hortagaan weerarada iyo Qaraxyada ay qorsheynayaan Shabaabka inay ka geystaan Caasimadda Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada