Booliska Talyaaniga oo Gacanta ku Dhigay Nink Baasabooradda u Suubin Jiray Dhalinyarada ISIS (SAWIRRO)

Booliska Talyaaniga oo Gacanta ku Dhigay Nink Baasabooradda u Suubin Jiray Dhalinyarada ISIS (SAWIRRO)

daajis.com:- Ciidamada sida gaarka u tababaran ee dalka Talyaaniga ayaa nolasha ku soo qabtay ninkii Baasaboorada bugta ah ama Faalsaha ah u sameyn jiray xoogaga Daacish kaas oo lagu magacaabo Jamal Eddine Ouali waxaana la sheegay inuu yahay nin 40 sano jir oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Aljeeriya .

Dabagal dheer oo uu booliska suubiyay ka dib ayaa Jamal Eddine Ouali waxaa lagu helay dambiga ah in uu sameeyay Baasabooradii bugta ahaa ee ay ku safrayeen ragii isku qarxiyay magaalooyinka Paris iyo Brussels ee wadamada Faransiiska iyo Belguim-ka.

Ninkan oo haysat dhalashada dalka Biljemka ayaa waxa uu u baxsaday dalka Talyaaniga ka dib markii uu ogaaday in la fahmay laguna daba jiro, Ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga ayaa ninkaan ku soo qabtay magaalada Salerno ee koonfurta dalka Talyaaniga .

Jamal ayaa la sheegay inuu ku taqsusay sameeynta Baasaboorada bugta ah, ayaa waxa uu caawin jiray dagaalyahanada kooxda Daacish kuwooda dib ugu soo laabto dalalkooda kaas oo ka badali jiray magaca iyo dhalashada Baasabooradooda, wuxuuna gudaha dalka Giriiga ugu diri jiray Post ahaan Baasabooro iyo magacyo bug ah ka dibna waxaa si fudud ugu soo safri jiray dagaalyahanadda kooxda Daacish kuwooda dib uga soo laabta wadamada Suuriya iyo Ciraaq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada