Muqdisho: Nin hubeysan watana dharka Dumarka oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho: Nin hubeysan watana dharka Dumarka oo gacanta lagu dhigay

daajis.com:-Waxaa fiidnimadii caawa Magaalada Muqdisho lagu qabtay nin sida la sheegay ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli uu soo xirtay dharka dumarka, sidoo kalana uu watay indho shareer.

Ninkan oo bistoolad ku hubeysnaa, ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal ay laamaha ammaanka ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in baaris ay ku socoto.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa sheegay in ninkan uu xirnaa dhar waawayn, sidoo kalana uu bistoolad ku hubeysnaa, iyadoona uu ku eedeeyay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka, ayaa yiri “Waxaa la soo qabtay nin ka tirsan argagaxisada Al Shabaab oo xiran dharka dumarka, oo uu ku jiro indho shareer. Dhar waawayn ayuu xirnaa, bistooladna wuu waatay.”

Waxaa uu intaa ku daray “Hadda gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa, waxaan u soo bandhigi doonnaa Warbaahinta. Dadkan la soo qab qabanaayo waa dad tuhuno laga qabo.”
Maanta, ayay ahayd markii Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho lagu fashiliyay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ka dib markii la soo dhigay afaafka hore maqaaxi laga cunteeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada