daajis.com:- Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka, cadadkiisa shalay ayaa waxa uu qoray inay Midowga Europe “EU”-da dhowr Toddobaad ka hor joojiyeen Hawlgalkii Tababarka lagu siinayey Ciiddanka dowladda Federalka Somalia, sababo la xiriira Tababarayaasha EU-da oo ka walaacay in mushaar la’aanta haysata Ciiddanka Dowladda sababi karto in ay afduubtaan Tababarayaasha, si ay taasi ugu noqoto in lagu soo baraarugo Dareenka iyo Dhibaatadda mushaar la’aanta ee Ciiddankaasi haysato.
Ciiddan badan ayaa waxay xiriir dhow la leeyihiin Qabaa’illadda halkii ay daacad ugu noqon laahaayeen Dowladda Dhexe.

Tan iyo sannadkii 2005-tii oo ay Alshabaab soo shaac baxday, waxay Dowladda Maraykanka ku taageertay Dowladda Somalia in ka badan 2 Billion oo Dollar, isla markaana ay Tababarayaal Milliteri iyo qalab soo gaarsiiyeen Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:54 and have
, Published at