Qarax gaari oo ka dhacay maqaayad laga cunteeyo oo ku taal Beexaani

Qarax gaari oo ka dhacay maqaayad laga cunteeyo oo ku taal Beexaani

daajis.com:- Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay maqaayada Rajo ee ku taal gagaarka Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, iyadoo qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ujeedada laga ahaa uu ahaa maqaayada Rajo Restaurant oo u dhow xarunta nabadsugida iyo hotelka Global.

Shan qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay, Toban kalena waa ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jiray caruur caseeyeyaal ah iyo kuwa baabuurta dhaqa.qarax-maqaayad

Maqaayada ayaa ah maqaayad laga cuno raashinka loo yaqaano wadaniga sida Muufada, Soorta iyo raashinka kale ee caadiga ah, waxayna ka mid tahay maqaayada raqiiska ah.

Baabuurta loo yaqaano gurmadka deg dega ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada maqaayada.
Xilliga Qaraxa dhacayay ayaa aheyd xilliga qadada oo dad badan ay gudaha Maqaayada ku jireen, lama haayo wali tiro rasmi ah oo ku aadan dhimashada iyo dhaawaca qaraxa ka dhashay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada