Real Madrid oo garaacday Barcelona, soona gaba gabeysay rikoorka guuldaro la’aanta

Real Madrid oo garaacday Barcelona, soona gaba gabeysay rikoorka guuldaro la’aanta

daajis.com:- Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, kadib markii ay 2-1 uga badisay ciyaar xiiso leh oo xalay ka dhacday garoonka Camp Nou ee magaalada Barcelona.

Kulankan oo loo yaqaano El Clasico ayaa ahaa kulankii 231aad ee ay labada kooxood isaga hor-yimaadaan, waxaana ay aheyd ciyaar adduunka oo dhan laga fiirsanayay, isla markaana laheyd xamaasad.

Barcelona oo aan laga badin 39 kulan ayaa xalay u aheyd habeen murugo leh, markii rikoorkaas looga jebiyay gurigeeda.

Macalinka Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa garoonka ku soo galay qaab ciyaareed maskaxeed oo uu dejiyay shax aad iyo aad u cajiib aheyd oo uu ku hor-istaago weeraryahanada halista ah ee MSN.

Inkastoo Barcelona ay qeybihii hore ciyaarta ay kubad heysashada badneyd, hadana waxaa mar kast Real Madrid ay la wadaageysay kubada, qatarna ku aheyd shabaqa kooxda Barca.

Qeybtii labaad ayaa goolashada labada kooxood ay yimaadeen, markii qeybtii hore wax goolal ah la iska dhalin waayay.

Daafaca Barcelona Pique ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 56, waxaa uu dhaliyay kubad koorno la soo tuuray oo uu madax raaciyay, waxaana markaas wixii ka dambeeyay sacab iyo mashxarad isla helay taageerayaasha Barca.

Laakiin Real Madrid ma aanay niyad jebin, waxaana ay ku qaadatay inay goolkaas iska soo gudo lix daqiiqo gudahood.

Daqiiqadii 62aad ayaa Benzema gool cajiib aheyd ka dhaliyay Barcelona, waxaana goolkaas uu rajo geliyay kooxdiisa iyo taageerayaasha oo ka cabsi qabay in guuldaradii labaad xilli ciyaareedkan loo saariyo.

Garsooraha ciyaarta ayaa Gareth Bale ka diiday gool, taasoo calanwadaha uu ku tilmaamay inuu ku taagsaday daafaca Barca Jordi Alba, markii kubad loo soo karoosay uu madax la helay, balse marka lagu soo celiyay kaamirada ayaanay ka muuqan wax taagsi ama awood u sheegasho midna.

Real Madrid ayaa waxaa laga saaray 10 daqiiqo ka hor dhamaadka ciyaarta daafacooda Sergio Ramos, waxaana uu qaatay kaarkiisa labaad ee jaallaha oo loo raaciyay kaarka cas.

Daqiiqadii 85aad Ronaldo ayaa dhaliyay kubad uu inta xabadka ku koontarooshay, dabadeedna goolhaye Bravo labadiisa lugood ka dhex bixiyay, waxaana ciyaarta ay noqotay 2-1 oo ay Real Madrid hogaanka ku qabatay.

Real Madrid ayaa ugu dambeyn soo afjartay guulihii Barca ee aan marnaba dhinacooda dhulka la dhigay 39 kulan, waxaana sidoo kale ay soo jareen 10-kii dhibco ee ay ka sareeyeen, waxaana haatan Barcelona ay Real ka sareysa 7 dhibcood.

By C/casiis Golf
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada