Van Gaal :- Ma ogolaaneyno in Leicester City ay ku dabaal degto Old Trafford.

Van Gaal :- Ma ogolaaneyno in Leicester City ay ku dabaal degto Old Trafford.

daajis.com:- Tababaraha Man United Louis van Gaal ayaa u sheegay  Leicester City inay dib u dhigtaan xafladooda dabaal degga Premier League waayo wuxuu sheegay inaysan dhici doonin uuna ka hor tagi doono inay ku dabaal degaan Old Trafford.

Kooxda lagu naaneyso Foxes ayaa u dabaal degi doonta horyaalnimada haddii ay berito guul ka gaarto kooxda Man United oo ay kula ciyaari doonto Masraxa Riyada.

“Horyaalka ayay noqon doonaan usbuuc kaddib. Ka kharribi mayno xafladda kaliya xoogaa yar baan dib ug dhigeynaa,” Van Gaal ayaa sidaa yiri.

“Waxaan ahaa qofka ugu horreeya ee yiraahda horyaalka way noqon karaan, la yaab iguma ahan aniga, marar badan ayaan arkay midaa. Waxaan aaminsanahay dhismo kooxeed, tababarahanna wuxuu midaa ku sameeyay kooxdiisa.
“Dabcan waxay leeyihiin xaaladaha isla kooxda, ma ay ciyaarin kulamo badan, sidaa darteed had iyo jeer waa suuro gal.

“Waa mid u fiican Premier League iyo ciyaaraha kubbada cagta, markastaa ma aahan kooxo isku mid ah.

“Waa inaynu garaacnaa iyaga maxaa yeelay weli tartanka ayaan ku jirnaa. Uma ugolaan karno iyaga inay Horyaalka ku noqdaan usbuucan waliba Old Tarafford.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada