daajis.com:- Iyadoo dagaalo ay ka socdaan Xadka u dhexeeya Maamullada Galmudug iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa waxaa soo baxaaya in xalinta colaadaasi ay qeyb weyn ka qaadanayaan Gen. Gebra iyo Axmed Madoobe.
Kulamada xalka loogu raadinaayo Colaadaasi ayaa waxaa garwadeen ka ah Gen.Gebra oo ku sugan magaalada Jigjiga iyo Axmed Madoobe oo ka shaqeeyay sida ay ku kulmi lahaayen Cabdi iley iyo C/kariin Guuleed.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Booliska, ay mudada uu socdo dagaalka laayen dad maati ah, taasina ay tahay mid u baahan in DSSI ay wax ka dhahdo.
Guuleed oo ku howlan kulamada arrintaani la xiriirta ayaa sidoo kale sheegay in lama huraan ay tahay in Ciidamada Liyuu Booliska laga saaro tuulooyinka ay sheeganayaan, waxa uuna Sidoo kale Guuleed ku celcelshay in degaanka Daac-dheer ee Gobolka Galguduud uu yahay mid uu ka aaminsan yahay khalad inuu ka dhaco dagaal maadaama dhulkaasi aysan ku nooleyn dad milliteri ah oo la oran karo halala dagaalamo.
Gen. Gebra iyo Axmed Madoobe ayaa iyaguna sheegay in Ciidamada DDSI aysan awood u laheyn inay xad gudub ku dhaqaaqan, waxa ayna isku raacen in loo baahan yahay in xal laga gaaro khaladaadka taagan ee xalka u baahan.
Gen. Gebra iyo Axmed Madoobe, ayaa wali ku howlan xal u raadinta Khilaafyada dhaliyay in dagaalka labada ciidan uu soo laalaabto.
Gen. Gebra, ayaa isaga ku sugan meel waliba oo ay ku kulmayaan Soomaali dooneysa inay ka shaqeeyaan masiirkooda waxa uuna wakhti waliba Gen. Gebra u taagan yahay sii kala fogeynta Soomaalida.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at