daajis.com:- Wixii ka danbeeyay markii diyaaradda Daallo Airlines la saaray Laptop-kii lagu qarxiyay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde International lagu soo kordhiyay qalab badan oo lagu baaro dadka ka dhoofaya garoonka iyo boorsooyinkooda.
Banaanka hore ee garoonka, inta aadan soo galin gudaha ayaa waxaa boorsooyinkaaga baaraya oo ursanaya eeyo loo tababaray inay uriyaan waxyaabaha Qarxa oo ay kamid tahay kiimikada TNT-ga loo yaqaan ee laga suubiyo Waxyaabaha Qarxa.
Gudaha garoonka ayaa waxaa lagu soo kordhiyay qalab casri ah oo lagu baaro dadka iyo Boorsooyinkooda iyadoo la marinayo Scan si loo fiiriyo waxa ku jiro gudaha Boorsadda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at