Daawo Video: Maamulka Hargeisa oo ka Qayliyey qalabkii hawada Soomaliya oo Lagu soo wareejiyey DF-Somalia +(Cod)

Daawo Video: Maamulka Hargeisa oo ka Qayliyey qalabkii hawada Soomaliya oo Lagu soo wareejiyey DF-Somalia +(Cod)

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa  lagu wareejiyay qalab lagu soconayo saadaasha hawada iyo dayuuradaha isticmaalaya hawada Somalia.

Ururka IGAD iyo Hey’adda caalamiga ah ee duulimaadka rayidka ICAO oo maamulka hawada Somalia gacanta ku heysay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Somalia, ayaa gacan ku siiyey dowladda Soomaaliya in qalabkan lagu wareejiyo.


Qalabkan lagu wareejiyay dowladda, ayaa qeyb ka ah heshiis bishii december ee sanaddii 2014-kii ay dowladda Soomaaliya iyo ICAO kala saxiideen, kaasoo lagu hirgelinayo qorshe kama dambeysta Soomaaliya ay kula wareegeyso maamulka hawadeeda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa VOA uga Waramay.


Dhinaca Kale waxaa Arintaasi ka qayliyey maamulka Hargeisa, Iyadoo masuul u hadlay uu sheegay inay gacanta ku hayaan Hay’ada Qaramada Midoobay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada