DEG DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dalka Jabuuti

DEG DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dalka Jabuuti

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ka dibna waxaa loo gelbiyay Xarunta madaxtooyada ee dalkaasi Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalkaasi u tagay ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dalkaasi, mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleeystay doorshadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Dhinaca kale labada madaxweyne ayaa la filayaa iney ka wada hadlaan arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dalka iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay yeeshaan labada dowladood.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada