Lamaane Mudo 50 Sano ah Ugu Noolaa Keyn Jaceylkooda Dartii, (Arin La Yaab Badan

Lamaane Mudo 50 Sano ah Ugu Noolaa Keyn Jaceylkooda Dartii, (Arin La Yaab Badan

Lamaanahaan ayaa Waxa ay Halkaa Ku Noolaayeen Mudo 50 Sano ah Xariirkooda Kadib Markii Reeraha ay Kasoo Jeedaan Ay Isku Diideen In ay Wada aqal galaan oo ay nolosha wada qeyb sadaan.

Reeraha ay kasoo jeedaan ayaa xariirka labadaanei lamaane waxa ay u arkeen in uu caqab ku yahay arimo ayaga ka dhaxeeya waxaana ay gabi,ahaana ay cagta ku dhufteen dalabka lamaanahaan ay ku doonayaan in ay ku wada aqal galaan.

Mudo 10 sano ah ayaa waxa socday xariirka qotoda dheer ee salka ku  haya jaceylka labadaani ruux waxaana ay dagaanaayeen meel tuulo ah oo ku taala duleedka magaalada ay ku noolaayeen marka laga hor yimid dalankooda ayaa waxaa ay go,aan sadeen si aysan u kala fogaan isla markaana jaceylkooda uusan u noqon mid dhicisooba waxa ay go,aan sadeen in ay ka haajiraan magaalada ay dagan yihiin, lkn nasiibada darada jirta ayaa noqotay inaysan aqoon meel kale oo ay aadaan maadaama noloshooda oo idil ay ku qaateen meel baadiyo ah wax kale oo ay yaaqaana aysan jirin si ayaguna u ciqaabaan waalidiintooda waxa ay go,aan ku gaareen in ay duurka galana halkaa ku dhuuntaan noloshoodana ku dabaraan.


Waxa ay galeen meel keyn weyn ah oo banaanka tuulada ku taala ayadoonoloshooda ku maareyn jiray ugaarta nooc-yayada ay cunaan dadkaa waxaana marka la waayay ay waalidiintooda ka raadiyeen meel walba oo lagu tuhmi karo,si  naftooda un loo helo nolol iyo geeri waase la waayay.

Arinta la yaabka badan ayaa waxaa ay tahay lamaanahan waxa ay halkaaa ku noolaayeen mudo 49 sano ah ayaga oo aan wax na qabsan is guursan caruurna aan dhalin ayadoo ay wataan noloshooda caadiga ah kadib ayey magaaladii ay ka tageen kusoo laabteen halkaa ayaana waxaa loogu dhigay aqal gal aan cadi aheyn,waxaana da,da lamaanahaan ay noqtay 89 sano marka ay aqal galayeen.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada