daajis.com:-Marka aad ogaato in ninka aad nolosha la wadaagtay uu yahay nin neerfoose ah isla markaana ku wanaagsaneyn wadahadalka deggan , kuna dhawaaqaya erayo qaldan maxaad sameyneysaa ? sida uu u dhaqmayo miyaad sameneysaa oo qaniiyo qaniiya ayaa ka fujisa ayaad galeysaa ? mise waad aamuseysaa oo waad u sabreysa adiga oo raadinaya xal guriga uu ku xasilnaado ? hadaba qaado talooyinkaan .
1- Adeegso hubka deganaasha si aad naftaada uga daafacdo neerfoosanimada ninkaada .
2- Dhageyso hadalka ninkaada oo sii ihtimaam , iskuna day in aad fahanto.
3- Waji macbuusnimadiisa kala hor tag dhoola cadeyn jilicsan taasi oo muujineysa haweenimadaada.
4- Dadka hortooda ha ugu muujin in uu qaldan yahay xittaa haddii taasi ay jirto , iskuna day ayay daajis.com ku leedaay in aad aamusnaanta magan gasho si dabeeysha xanaanqa uga degto si markaas aad wadahadalo ula furto.
5- Isku day in aad ogaato sababta ninkaada ka dhigeysa mid kacsan oo neerfoosa ah si aad u caawiso ugana yareyso dhibka .
6- Taqtar u tag haddii xaalka uu sii weynaado , si aad deganaasha gurigaada u hesho gabaryaheey haka daalin raadinta wax waliba oo xal ah oo ninkaada u wanaagsan .
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at