daajis.com:- Mid ka mida Gawaarida Dadweynaha ayaa waxaa Kursiga hore ee shirka Ka soo aacya nin oday ah, in dhowr talaabo markii uu socday ayaa waxaa Darawalkii gaariga waxaa uu shitay Sigaar wuuna bilaabay in uu Qiiciyo. Nin kii odayga ahaa ee kursiga horay fadhiya ayaa ku dhahay”Darawal naga Dami Sigaarka.
Darawalkii gaariga ayaa si carol eh u dhacay, War lacag ayaan kala soo baxay Sigaarka ee Buuqa iga Jooji.
Gaarigii ayaa sii socday, Darawalkii waxaa uu sii waday in uu sii cabo sigaarkiisa. Ninkii odayga ahaa oo iska aamsunaa in cabaar aha ayaa Yiri Darawal ii jooji Dukaankaan ayaa lacag ka sarifanaaye, Anaa kuu sarifayo ayuu dhahay Dawaralkii Balse waxaa uu tusay Lacag badan oo Cash ah odaygii oo ku yiri ma haysatid adiga intaan isug hal daqiiqo.
Odaygii ayaa soo Gatay Hal Xabo oo PIF PAF ah (Sunta Cayayaanka) shirka ayuuna soo Fuulay waxaa uu bil;aabay in uu Buufiyo. Dawaralkii Xanaaq Maxaa ka wadaa nin wayna waa tahaye

Odaygii ayaa ugu Jawaabay Lacagtayda ayaan kala soo baxay… Dadkii gaariga saarnaa ee hadalka hore ee Sigaarka Maqlayay ayaa odayga la saftay iyaga oo dhahay Adigaba waan na sumaysay, Buuq ka dib Darawalkii waa garwaaqsaday in uu qaldanaa, Gaarigii iyada oo lawada Qoslayo ayaa la dagtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at