Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Maraykanka oo ka Socda Jasiiradda Okinawa (VIDEO)

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Maraykanka oo ka Socda Jasiiradda Okinawa (VIDEO)

daajis.com:-  Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay jasiiradda ka tirsan dalka Japan ee Okinawa, Banaan baxani oo ah mid aad u balaaran ayaa waxaa looga soo horjeedo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jaziiradaasi.

Mudaharaadkaan oo ah kii ugu ballaarnaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa ka dhashay kufsi iyo dil la sheegay in askari hore oo Maraykan ah uu u geystay haweeney ka soo jeeda dadka jasiiraddaasi dega.

Dadka dibed baxa dhigaya ayaa dalbanaya in ciidanka Maraykanka ee ku sugan jasiiradda Okinawa ay isaga guuraan halkaasi.

Saldhiga ciidan ee uu Maraykanka ku leeyahay jasiiradda Okinawa ayaa waxaa ka hawlgala 26,000 oo askari, waxaana uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay boqolkiiba 20 jasiiraddaasi.

Saldhiga ayaa qeyb muhiim ah ka ah xiriirka ammaan ee ay wadaagaan dalalka Maraykanka iyo Japan.

Dibad baxayaashani ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo looga soo horjeedo ciidamada Mareykanka, waxa ayna dalbanayeen in ciidamada Mareykanka laga raro Jaziiradaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada