daajis.com:- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho, Waxaana ka mid ahaa dadka ku dhintay Weerarkaasi.
●Burci Maxamed Xamza, oo ahaa wasiiru-dowlaha arrimaha deegaanka ee xafiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya.
●Dr. Ducaale Shahiid oo ka tirsanaa dhakhaatiirka Muqdisho, Sidoo kalan Dr. Ducaale waxaa dhalay Prof. Maxamed Shahiid oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxii hotel Shaamow ee sannadkii 2009-kii, Wuxuuna xiligaas isagu ka baxay Jaamacada isagoo Buuxiyey Booskii Aabihii.
●Fu’aad Amin oo ahaa wiil Soomaaliyeed oo 20 Casho ka hor soo gaadhay Muqdisho oo Doonayey inuu dalkiisa wax kusoo kordhiyo aadna u jeclaa, kuna hadli jirey 5 luuqadood, kana soo baxay ( American University of Sharjah).
●Hooyo dhashay Tobaneeyo carruur ah oo halkaa ka heli jirtay faa’iidada ganacsigeeda kuna korin jirtay ayaa ku dhimatay iyo Qaar kaloo badan ..” waxaana dilay, oo la dhintay dad kale oo aan iyaga aqoon, iyaguna aanay aqoon, wax dhex marayna aanay jirin”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:32 and have
, Published at