Fanaan Caan ahaa oo Lagu Dilay Dalka Pakistaan (VIDEO)

Fanaan Caan ahaa oo Lagu Dilay Dalka Pakistaan (VIDEO)

daajis.com:- Fanaanka caanka ah ee Amjad Sabri ayaa shalay waxa ay kooxo dabley ah ku toogtaan magaalada Karachi ee dalka Pakistan, Marxuumkan ayaa la sheegay in xiliga la dilayey uu saarnaa gaarigiisa, waxaana toogasho ku dilay kooxo la sheegay inay wateen mooto, Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay nin ay walaalo yihiin fanaanka la dilay.


Koox ka tirsan Talibanka dalka Pakistan ayaa sheegatay weerarkan, iyagoo ku eedeeyey fanaanka inuu qaadi jiray heesaha loo yaqaan Qawwali ee dalkaasi laga jecelyahay oo asal ahaan kasoo jeeda Suufiyiinta.


Dowlada Pakistan ayaa si weyn dilkan u cambaareysay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Fanaanka uu horey dowlada uga codsaday illaalo kadib markii marar badan loo hanjabay, balse aysan dowlada siin wax illaalo ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada