Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 oo caawa ka furmaya dalka France

Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 oo caawa ka furmaya dalka France

daajis.com:- Koobka kubada cakta dalalka Yurub ee sanadkaan loogu magac daray Euro 2016 ayaa fiidnimada caawa ka bilaaban doona dalka France, xilli amaanka wadankaasi aad loo adkeeyey.

Dalka Faransiiska wali wuxuu ku jiraa xaalad dag dag ah kadib weerarki kooxda Daacish ay ku qaaday magaalada Paris bishii November ee sanadki hore markaas oo ay dileen dad ka badan 130 ruux.

In ka badan 90,000 oo isugu jira boolis, milatari iyo ciidamo dharcad ah ayaa ka qeybgaaya sugida amaanka goobaha ay ka dhici doonaan ciyaaraha oo la filayo in ay daawan doonaan dad ka badan todobo malyan oo taageerayaal ah.

Ciyaarta furitaanka waxaa caawa isaga hor imaan doona dalka martigelinaya ee France iyo xulka Romania.

Kooxaha ka qeybgalaya oo waxaad kaga bogan kartaa shaxdaan hoose.



The Euro 2016 draw
Group A                   Group B                      Group C
France                  England                    Germany
Romania                  Russia                    Ukraine
Albania                  Wales                    Poland
Switzerland                 Slovakia                    Northern Ireland

Group D            Group E                    Group F
Spain           Belgium                   Portugal
Czech Republic   Italy                   Iceland
Turkey          Republic of Ireland   Austria
Croatia          Sweden                   Hungary


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada