Madaxweynaha oo Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay W/Arrimaha Dibedda ee Dalka Mauritania (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay W/Arrimaha Dibedda ee Dalka Mauritania (SAWIRRO)

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih, oo dalka booqasho ku jooga.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay martiqaad uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mohamed Ould Abdel Aziz, kuna saabsan ka qeybgalka Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbaley martiqaadkaasi isagoo sheegay in Soomaaliya uu shirkaasi muhiim u yahay, ayna ka qeybgeli doonto. Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsadey Wasiirka inuu salaan qiimo badan ka gaarsiiyo Madaxweyne Ould Abdel Aziz.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mauritaniam Mudane Ahmed Izid Bih, ayaa sheegay in dalkiisu oo markii ugu horeysay martigelinayaa shir madaxeedkan uu xoogga saarayo in ajendayaasha ugu waaweyn ee laga doodi doono ay arrimaha Soomaaliya ka mid noqoto, isla markaana ku boorrin doonaan waddamada Carabta inay gacan weyn ka geystaan taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada