daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay Xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku nool yihiin nus milyan ruux oo Soomaali u badan, Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago xerada qaxootiga Dhadhaab oo muddo 25 sano ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya Mas’uuliyiinta Kenya ee ku sugan xeradaas iyo guddiyada qaxootiga, isagoo u kuur galaya xaalada nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u sheegay in aysan suurta gal ahayn in si qasab ah lagu soo celiyo dadka Qaxootiga ah ee ku jira xerada qaxootiga Dhadhaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have
