MUUQAAL: Maxaa kasoo baxay Shirkii Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

MUUQAAL: Maxaa kasoo baxay Shirkii Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

daajis.com:- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow soo gaba gabeeyay wada hadaladii maalintii labaad uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

Wada hadalada ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo diirada lagu saaray arrimaha amniga, xiriirka ganacsi, arrinta qaxootiga iyo socdaalka.

Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey oo ku aadanaa in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid khiyaari ah.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi u saaray arrinta qaxootiga, iyadoo guddiyadan ay ka shaqeynayaan qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa iyo dib u celinta qaxootiga, waxaana si gaar ah uga shaqeynaya Wasaaradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya

Sidoo kale waxay labada Madaxweyne isla garteen in la fududeeyo isu socodka shacabka labada dal, iyadoo diyaaradaha ka imaanayay Soomaaliya ee lagu baari jiray Wajer in dib loo eego, isla markaana duulimaadyo toos ah ay bilaaban doonaan oo aan la soo mari doonin Wajer, waxaana arrintaas loo saaray guddiyo ka shaqeeya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada