Muuqaal: Ramaax “S/land waa Maamul Goboleed, Dadkii Gaashaamo lagu dilay Oromo kama jecli” Iyo jawaab loo diray

Muuqaal: Ramaax “S/land waa Maamul Goboleed, Dadkii Gaashaamo lagu dilay Oromo kama jecli” Iyo jawaab loo diray

daajis.com:- Gudoomiyaha Gobolka Awdal ugu magacaaban Maamulka Somaliland, Maxamuud Cali Saleebaan (RAMAAX) oo la hadlay Wargayska SAHAN ee kasoo baxa magaalada ayaa ayaa Runta u sheegay maamulka Gooni goosadka ah ee Somaliland.

“Warbaahinta Waxaan ku arkayey qaar leh Dawlad Deegaanka Soomaalida itooboya ayaa Somaliland ku sheegtay Maamul Goboleed, Waa Runtood maamul Goboleed ayaynu nahay, Qaran Ma nihin, Dawlad ma nihin Waan ku Raacsanahay Arintaa, Saxaafada Somaliland waxaan leeyahay Caga dhigta oo daaya Killilka Shanaad” Ayuu yidhi Ramaax.

Waxaa la waydiiyey Su’aal u dhignayd inuu ka Baqayao Safaradii uu ka tagi Jiray Jigjiga in loo diido, Wuxuuna ku Jawaabay  “Anigu Haddaan Maanta Somaliland Madaxweyne ka ahay waan idin wada Xidhi lahaa HCTV in Laga Xidho Hawada Walaahay waan ku faraxsanahay Ninka Lehna Farxaan Col Baan la’ahay Weligiina In uu Hawada Ku Soo Noqdo Ma Jecli” 

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dadka dhowaan ku dhintay duleedka Gaashaamo ay la mid yihiin Oromada ku nool Dalka Itoobiya “Anigu Ramaax ahaan Oromada kama jecli, Dadkaa aad Sheegayso ee lagu Laayey Jaamac Dubad Dawlad bay hoos joogaan aynu u dayno”.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO JAWAABTA LAGA BIXIYEY 

Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Somaliland, ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeedhay Gudoomiyaha Gobolka Awdal, “Hadalkaas Qof caadi ah oo miyir qaba kuma hadlo, Ramaax inuu waashay Beryahan Waan Ogaa, Isaga ayaa OROMO ah, Dadkaasi waa Reer Sheekh Isxaaq” Ayuu Yidhi Siciid Rooble.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada