Qarax Xoogan oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afgahanistan (VIDEO)

Qarax Xoogan oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afgahanistan (VIDEO)

daajis.com:- Weerar Ismiidaamin ah oo ay Sarkaal Ajaanib ahi ku geeriyeen ayaa la sheegayaa inuu saaka ka dhacay Magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Saraakiisha dhimatay ayaa la socotay gaari bas ah oo maraayay Bartamaha Magaalada Kabul, gaar ahaan wadada Magaalada Jalalabad.


Saraakiisha ku geeriyootay gaariga bas-ka ah ayaa la sheegayaa inay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Nepal, sida ay shaaciyeen Saraakiisha Booliska dalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee todobaadyadii la soo dhaafay ka dhaca dalka Afghanistan, isla markaana ah weerarkii ugu balaarnaa oo lagu soo beego bisha barakeysan ee Ramadanka.

Kooxda Talibanka ayaa sheegatay fulinta weerarkan, iyagoona ku goodisay inay sii laba jibaari doonaan beegsiga ay beegsanayaan Mas’uuliyiinte Dowladda iyo qolyaha la shaqeeyaba.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada