daajis.com:- Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda, iyadoo shirkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee looga arrinsanayo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016 dhici doona.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dhexe ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, kuwaasoo kormeerayay goobaha loo diyaarinayay inuu shirka ka dhaco, waxaana lagu wadaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in gelinka hore ee maanta gaaraan magaalada Baydhabo.
Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan waqtiga ay dhici doonaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, labadiisa Kuxigeen iyo doorashada Madaxweynaha, waxaana jira qodobo qaar oo wali aan la isku fahmin, sida tirada Xildhibaanada laga soo xulayo maamul goboleedyada.
Arrinta muranka ugu badan ka taagnaa ayaa waxaa uu ahaa matalaada Caasimada Muqdisho ee aqalka sare, iyadoo shirkii ugu dambeeyay ee Muqdisho lagu go’aamiyay in guddi loo saari maqaamka Muqdisho, kaasoo muddo lixdan maalmood soo diyaarinaya maqaamka ay yeelaneyso Caasimada, inkastoo aan guddigaas wali la dhisin.
Shirka Baydhabo ayaa lagu dhameystiri doonaa go’aankii horaantii bishan laga soo saaray shirkii Hoggaamiyeyaasha Madasha ku yeesheen magaalada Muqdisho
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at