Video:- Khasaaraha Weerarkii Hotelka Naasa-hablood oo kordhay, Iyo Goob-jooge ka waramaya waxa dhacay

Video:- Khasaaraha Weerarkii Hotelka Naasa-hablood oo kordhay, Iyo Goob-jooge ka waramaya waxa dhacay

daajis.com:- Rasaas ayaa weli laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka Hotel Naasa hablood oo ku yaalla nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho halkaasoo galabta ay weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha amaanka dowlada ayaa sheegaya iney dileen qaar ka mid ah dagaalyahanada galay hotelka, ayna socdaan howgalo lagu soo afjarayo weerarkan, iyadoo meydad rasaasta awgeed aan loo dhowaan karin ay daadsan yihiin laamiga hotelka hor mara, Qaraxyo kale oo yar yar ayaa goor dhow oo fiidnimdii ah laga maqlay hotelka kuwaasoo loo maleynayo iney yihiin bambooyin ay tuurayaan kooxaha gudaha u galay hotelka.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen weerarkan kuwaasoo u badan dad shacab ah halka dhaawacyo badana loo daad gureeyey Isbitaalada magaalada ku yaalla.

Dhinaca kale, kaalin shidaal oo ku yiilay ka soo horjeedka hotelka la weeraray ayaa la sheegay inuu dab qabsaday waxyeelo xoogana ay gaartay, waxaana la arkayey gaadiidka dab demiska oo halkaas ku sii jeeda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada