daajis.com:- Wiil yar oo qaxooti Syrian ah oo Guri laga dajiyay dalka Jarmalka, ayaa armaajo guriga looga guuray ka dhex helay lacag cadadkeedu dhanyahay €150,000.
Wiilkan oo lagu magacaabo Muhannad M islamarkaasna sanadkii hore galay Jarmalka, ayaa sheegay in markii uu lacagtaan helay naftiisa ka ilaaliya uuna war geliyay Booliska magaalada uu daganyahay.
Booliska magaalada Barlin, ayaa sheegay in Muhannad oo 25 jir uu u keenay Lacagtaas faraha badan una sheegay inuu ka helay Gurigii la dajiyay.
Arintaan ayaa waxaa si aad ah ula yaabay shacabka u dhashay Jarmalka, iyadoo Muhannad uu amaan iyo bogaadin ka helay shacab weynaha Jarmalka, sidoo kale wuxuu sumcad usoo jiiday qaxootiga reer Syria ee halkaas ku nool.
Lacala Hadii aad ahaan laheeyd qofka la kulamay maxaad sameeyn lahayd..
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:34 and have

