Daawo:- Dowlada Imaaraadka Carabta oo Turkiga u Gacan Gelisay 2 Generaal oo Baxsad ahaa

Daawo:- Dowlada Imaaraadka Carabta oo Turkiga u Gacan Gelisay 2 Generaal oo Baxsad ahaa

daajis.com:-  Dowladda dalka Imaaraadka Carabta ayaa Labo Jeneral oo baxsad ahaa, ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, dowladdani ayaa kadib saraakiishani u gacan gelisay dalka Turkiga.

Labadaan Jeneraal ayaa waxa ay ka yimaadeen dalka Afghanistan, waxaana lala xiriirinayaa inay wax ka ogaayeen Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay.


Magacyada labada Jeneraal ee baxsadka ahaa ayaa lagu kala sheegay Major General Mehmet Cahit Bakir oo ahaa taliyihii ciidamada Turkiga ee dalka Afghanistan iyo Taliyihii tababarada iyo la talinta xarunta taliska ee Kabul Brigadier General Sener Topuc.

Wararku waxay sheegayaan in Wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga iyo Sirdoonka dalkaasi oo kaashananaya masuuliyiinta Imaaradka ay ka war heleen baxsadka labada Jeneraal.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markiiba waxa ay ku wareejisay labadaasi Jeneral, Sirdoonka dalka Turkiga waxaana saraakiishani laga dejiyay Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada