Daawo:- Kaniisad Lagu Weeraray dalka Faransiiska iyo Baaderigii kaniisadaasi oo la Gowracay (VIDEO)

Daawo:- Kaniisad Lagu Weeraray dalka Faransiiska iyo Baaderigii kaniisadaasi oo la Gowracay (VIDEO)

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in labo nin oo Midiyo ku hubaysan ay weerar ku qaadeen kaniisad kutaala Waqooyiga dalka Faransiiska gaar ahaan magaalada Rouen.

Raga kaniisada weeraray ayaa la sheegay in gudaha Kaniisadaasi ay ku afduubteen shan qof uu ku jiro baadarigii kaniisadda, waxaana raga midiyaha watay ay qoorta ka jareen halkaasina ku dileen ninka baadariga ahaa oo da’diisa lagu sheegay 86-sano jir.

Ciidamada booliiska oo gaaray kaniisada la weeraray ayaa halkaasi ku toogtay labadii nin ee la sheegay in dadka afduubka u qabsadeen, waxaana ciidamada ay soo bad baadiyeen dadkii kale ee kaniisada lagu heestay oo qaarkood dhaawacmay.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta ragani weerarka ugu qaadeen Kaniisada, waxa ay ahaayeen iyo kooxda ay katirsan yihiin, laakiin waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in la tuhmayo in ragaasi ay xariir la lahaayeen kooxda Daacish.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada