daajis.com:- Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Tarsan iyo Xubno kale oo ka tirsan Xisbiyada Soomaaliya, oo kulan ku qabtay muqdisho ayaa eedaymo kulul usoo jeediyey Madaxwayne Xasan sheekh.
Maxamuud Tarsan ayaa wuxuu sheegay in Dhiiga Siyaasiyiinta uu Baneeyay Madaxwayne Xasan, Islamarkaana Qofkii la dilo loo haysan doono Madaxwaynaha “Dhiigeena inuu Baneeyay ayaan u haysanaa, Qofkasta oo la dilo Inuu Isagu Fasaxay ayaan aaminsanahay, Ilaa uu ka hadlo oo Raali gelin uu bixiyo” Ayuu yidhi.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Xiisada ka taagan Doorashooyinka Soomaaliya, iyo Ugaaskii Beelaha Hiiraan oo laga reebay Odayaasha Doorashada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at