Nin Doonayay inuu Isku Qarxiyo Safaaradda Maraykanka ee dalka Sacuudiga oo Geeriyooday (VIDEO)

Nin Doonayay inuu Isku Qarxiyo Safaaradda Maraykanka ee dalka Sacuudiga oo Geeriyooday (VIDEO)

daajis.com:-  Ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay in saaka uu weerar Ismiidaamin ah ku qaaday Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku taal Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Sacuudiga, Ninka ayaa isku qarxay meel ku dhaw Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka, kadib markii ay ka shakiyeen oo ay ku soo dhaqaaqeen ilaalada Xarunta.


Wasiirka ayaa sheegay in goob gawaarida la dhigto uu ku geeriyooday ninkii qaraxa Ismiidaaminta fuliyay, sidoo kalena ay qaraxaasi ku dhaawacmeen labo ruux oo ka mid ah ilaalada Xarunta.

Saraakiisha Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Magaalada Jeddah ayaa sheegay inay badqabaan Shaqaalaha Xaruntaasi iyo Muwaadiniintii gudaha ku jirtay.

War laga soo saaray Wasaarada Arimaha Dibada ee dalk Mareykanka ayaa lagu sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen oo kaliya labo qof oo qaabilsanaa ilaalada Xarunta.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan Ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday Xarunta Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Magaalada Jeddah.

Ciidamo maraykan ah iyo Booliska sacuudiga ayaa wada baaritaanka ku aadan cida weerarkaan soo abaabushay iyo halka laga soo abaabulay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada