daajis.com:- Booliiska magaalada Dhaka ee dalka Bangaladhesh ayaa maanta toogasho ku dilay rag la sheegay inay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Baar lagu caweeyo oo kuyaala magaalada Dhaka, halkaas oo lagu dilay 22-qof ay ku jiraan ajaaniib cadaan ah.
Booliiska ayaa weeraray goob uu gabaad ka dhiganayay Tamim Chowdhury oo lagu eedeeyay in weerarkii Dhaka uu qorsheeyay , waxaana isla hor imaad halkaasi ka dhacay markii dambe booliiska ku guuleesteen in ninkaasi ku dilaan.
Sargaal katirsan booliiska Dalka Bangaladhesh oo lagu magacaabo Sanwar Hossain ayaa sheegay in ciidamada booliiska dileen nin u dhashay dalka Bangaladhesh balse heysta dhalashada dalka Canada, kaa ay ku tuhmayaan in uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday baarka kuyaala magaalada Dhaka.
Howlgalka qorsheysan ay fuliyeen ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa sidoo kale lagu dilay sadex dagaalyahan oo kale oo la sheegay inay xariir dhow la lahaayeen kooxdii weerarka
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at