daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka aan weli dhismin ee Khaatumo Mudane, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay wadahadalo u socdaan Maamulkiisa iyo Maamulka ay deriska ay yihiin ee Somaliland, waxa uuna qudbadiisa ku sheegay in Somaliland aysan la midoobi karin hadii ay u heelanyihiin inay Soomaaliya kala gooyaan.
Cali khaliif ayaa arinkan sheegay kadib markii uu khudbad uu u jeediyay odoyaal, shacab iyo waxgaradba oo ku sugnaa deegaanada Khaatumo, iyadoo aan la sheegin deegaanka uu ku sugnaa.
Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland iyo maamulka Khaatumo uu u furmay shir shuruud la’aan ahaa , oo dhexmaray labo wafdi ay soo kala dirsadeen labada maamul, lamana oga ilaa iyo hadda wixii ka soo baxay shirkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at