daajis.com:- Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa saaka la wareegay Xarunta Amal Bank ee Garoowe, gaari tikniko ah iyo ciidan ayaana la geeyay xarunta waxaana la joojiyey dhamaan shaqadii joogtada ahayd.
Masuul ka tirsan Amal Bank oo aan la hadlay wuxuu ii sheegay, in ciidamada meesha qabsaday ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, Waxayna masuuliyiinta Amaal sheegeen in sabaabta Bangiga loo xidhay ay Tahay ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan lacag gaaraysa 70kun oo dolar oo madaxwayne Ku xigeenku ku Amray.
Ciidamadii la wareegay Amal Bank waa laga qaaday xarunta, arintan ayaa ku timid wada hadal dhexmaray Madaxtooyada iyo maamulka Amal Bank Garowe, Hada waxa la isoo sheegaya in shaqadu si caadi ah u socoto, balse weli lama shaacin waxa lagu xaliyey arintii Awal labada dhinac isku qabteen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at