daajis.com:- Waxaa xalay si habsami leh garoonka Maracana ee magaaladda Rio de Janeiro uga furmay ciyaaraha Olimbiga oo sanadkani lagu qabanayo dalka Barasil
Munaasabadani oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhaqanka iyo sida ay u kala duwan yihiin qowmiyadaha ku nool dalkaasi.
In ka badan 200 oo dal ayaa ka qeyb qaadanaya ciyaarahan, dalka Soomaaliyana waxaa uga qayb galaya Orodyahanada kala ah, Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo labadooduba ka qeyb galaya tartarnka ciyaaraha fudud.
Ammaanka dalka Barasil ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ammaanka guud ee magaalada Rio sugayay kumannaan ciidan ah oo isugu jira Boolis iyo Militeri.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have
