daajis.com:- Booliska Mareeykanka oo waayadaanba si jinsi faquuqnimo ah u tooganayay dadka madowga ah ee dalkaas ku nool, ayaa markaana toogtay Hooyo Madow ah oo xambaarsan wiil ay dhashay oo 5 jir ah.
Toogashada Hooyadan Madowga ah ayaa timid, kadib isku dhac dhex maray iyada iyo Booliska, kaasoo ku saabsan sharciga marista wadooyinka.
Booliska ayaa isku kor dilay Hooyada iyo wiilkeeda yar ee lagu magacaabo Korryn Gaines, waxaana dhacdadaan ay ka dhacday Randallstown, Maryland.
Dadka madowga ah ee ku nool Randallstown, Maryland, ayaa hada bilaabay kacdoon xoogan oo ay arintaan uga soo horjeedaan waxaana socda dibadbaxyo xoogan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have

