Daawo: nin 10 maalmood ku sugnaa Garoon sii uu ula kulmo Gabar uu Online ka bartay

Daawo: nin 10 maalmood ku sugnaa Garoon sii uu ula kulmo Gabar uu Online ka bartay

daajis.com:- Qisadani malaha waa lug gooyadii Qarniga ee qof jaceyl daacad ah u qaaday qof kale loo geysto, kadib markii Nin u dhashay dalka Holland uu masaafo dheer oo 5,000 Mile usoo safray, sii u ula kulmo Gabar u dhalatay Chinna oo ay Online-ka iska barteen.

Sheekadaan ayaa soo shaacbaxday shalay, waxaana hada si weyn looga hadal haayaa dhamaan Caalamka.

Ninkan 41 jirka ah oo lagu magacaabo Alexander Pieter Cirk, ayaa safarkiisi waxa uu kusoo dhamaaday jactad iyo macluul, kadib markii mudo 10 maalmood ah uu ku sugnaa Garoonka islamarkaasina aysan u imaan gabadhii uu Online-ka ka jeclaaday, iyadoona ugu dambeyn loo qaaday Isbitaal si xaaladiisa Caafimaad loo baxnaaniyo.

Alexander Pieter Cirk, ayaa tegay Gobolka Hunan ee Shiinaha, isagoo ku hami weynaa inuu la kulmo gabadhii uu jeclaaday oo magaceeda ugu sheegtay Zhang.

Alexander Pieter Cirk, ayaa markii 10 maalmood ku sugnaa Garoonka Changsha Airport, ayaa waxaa iska yareyd cid xaaladiisa u damqatay ama caawisay.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayuu u sheegay inuu gabadhaasi kula kulmay khadka Online-ka laba bilood kahor, ayna dhex martay Qiso jaceyl, isagoona go’aansaday inuu la kulmo, laakiin markii uu magaaladeedi ka degay ayuu waayay qof u timaada.

Alexander Pieter Cirk, ayaa diiday inuu ka tago garoonka diyaaradaha Hunan, waxaana ku dhacay taag darro iyo nafaqo la’aan maadaama mudadaas uusan waxba cunin oo uu Biyo uun ku noolaa.
Gabadhii uu Online-ka kabartay ayaa waxeey lasoo xiriirtay Telefeshinka, waxaana ay u sheegtay ineey u haysatay inuu la kaftamayay.

“Xiriirkeena jaceyl hore ayuu u socday, laakiin markii dambe wuxuu u muuqday inuusan dan iga lahayn” ayay tiri Zhang, oo sii raacisay inuu mar tusiyay Tikid Diyaaradeed laakiin uusan kadib lasoo xiriirin.

Ninka sidan loo galay ayaa wali ku adkeeysanaya, inuu doonayo inuu sii wado xiriirka jaceyl ee uu gabadhan jactadisay la leeyahay, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan dib ugu laabto dalkiisa Holland, marka ay xaaladiisa Caafimaad soo hagaagto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada