Danjirihii Soomaaliya ee dalka Ruushka oo ku geeriyooday magaalada Moscow

Danjirihii Soomaaliya ee dalka Ruushka oo ku geeriyooday magaalada Moscow

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Ambassador Mohamed Mohamud Handulle oo ku geeriyooday saaka subax oo Arbaco ah, kuna beegan August 03, 2016 Magaalada Moscow ee caasimadda dalka Russia .

Marxuum Maxamed Maxamuud Xandulle, waxa uu Safiir ka ahaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Moscow tan iyo sanadkiii 2007 xilligaasi oo uu diblomaasiyadda si rasmi ah ugu soo biiray.
Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada