Daawo: Ciidan Hubaysan oo Weerar ku qaaday BANDHIG Faneedkii Nasteexo Indho ee magaalada Hargeisa

Daawo: Ciidan Hubaysan oo Weerar ku qaaday BANDHIG Faneedkii Nasteexo Indho ee magaalada Hargeisa

daajis.com:- Xafladani oo dad tiro badani u dareereen inay soo daawadaan isla markaana ay bilaabantay qabashada tigidhada ay dadwaynuhu xafladaasi ku galayeen oo gudaha Hotelka ay soo buuxdhaafiyeen dad shacab ahi ayaa mar qudha laga warhelay ciidamo tiro badan oo hubaysan oo isku gadaamay goobta Hotelkaasi,Waxayna amreen in la xidho xafladaasi isla markaana shacabku ka dareeraan.

Xaflada Fanaanadani ayaa lakala daadiyay ciidamadani goobta isku gadaamay ayaa marnaba sheegin sobobta loo xidhay xaflada isla markaana loo joojiyay.

Nasteexo Indho oo kasoo jeeda Puntland ayaa noqonaysa shaqsigii labaad ee kasoo jeeda Puntland oo Booliis loo isticmaalo joogitaankeeda Hargeysa,waxaana horay ciidamada amaanka Somaliland si ba,an ula dhaqmeen Abuubakar Qaaddiid oo u ololeeya la dagaalanka Qaadka oo Hargeysa u yimiday in uu shacabka ku baraarujiyo joojinta qaadka balse waa la xidhay lana masaafuriyay.

Lama oga soobobaha gaar ka ah ee laamaha amaanka Somaliland u beegsadaan dadka kasoo jeeda Puntland ee Hargeysa u yimaada hawlo u gaar ah,Siyaasi aan wax ka waydiinay dhacdooyinkani ayaa sheegay in dagaal qabow oo fartiisu lafahmi karo ka dhex socdo maamulada  Garoowe Iyo Hargeysa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada