Sawiro: Daaci muslim ah oo lagu dilay New York

Sawiro: Daaci muslim ah oo lagu dilay New York

daajis.com:- Imaamka oo lagu magacaabi jiray Maulama Akonjee, ayaa waxaa lala dilay gacan yarihiisii oo isna lagu magacaabi jiray Thara Uddin, waxaana la dilay wax yar uun ka dib markii ay Masaajidkaasi ku soo tukadeen Salaaddii Duhurka.

Nin qori ku hubeysnaa, ayaa waxaa la sheegay in uu madaxa ka toogtay Imaamka iyo gacan yarihiisii, iyadoona uu dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.

Ciidamada Booliska oo gaaray halka uu falku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano ka dhan ah dembiilaha, oo aan weli la aqoonsan waxa uu yahay.

Labada nin ee la dilay oo u dhashay Bangladesh, ayaa waxay keentay in Jaaliyadda reer Bangladesh ee Magaalada New York dhigaan isu soo bax ka dhan ah tallaabadii lagu dilay. Bannaanbaxayaashu waxay ku baaqeen in cadaaladda la horkeeno dembiilaha.
Dhanka kale dibadbaxayaashu, ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen Donald Trump, Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, iyagoo ku dhaliilay in uu abuuraayo Islaam naceyb.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada