Daawo: Qaabkii Nolosha Loogu Qabtay Ninkii Weerarka Fuliyey iyo sidii ay wax uga dhaceen Banaadir Beach

Daawo: Qaabkii Nolosha Loogu Qabtay Ninkii Weerarka Fuliyey iyo sidii ay wax uga dhaceen Banaadir Beach

daajis.com:- Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Nabad Sugida Soomaaliya ayaa ku guuleestay in xalay Saqdii Dhaxe ay soo afjaraan Weerarkii dagaalyahano hubeesan xalay ku galeen Maqaayada Banaadir Beach ee kutaala xeebta Liido.


Ciidamada Nabad Sugida ayaa nolosha ku qabtay mid kamid ah ragii Weerarka soo qaaday, isaga oo dhaawac, wuxuuna sheegay inuu  ninkani waday gaadhigii lagu qarxiyay afaafka hore ee Maqaayada Banaadir Beach.

Maamulihii isbitaalka Somali Germany Hospital ee magaalada Muqdisho ILAAHAY ha u naxariistee Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay baarka Banaadir Beach ee ku yaalla xeebta Liido.

Wuxuu dhowaan ku soo laabtay Muqdisho oo muddo badan uu ka maqnaa, isagoo ka hirgaliyay xarunta Caafimaadka Somali Germany Hospital oo laga furay degmada Boondheere.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada