daajis.com:- Dawlada Turkiga ayaa sheegtay inay cafis u fidisay 38kun maxaabiis ah kuwaasoo haatan kujira xabsiyada Turkiga.
Lama oga sababta dhabta ah ee maxaabiistaa loo cafiyay laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in dawlada Turkigu dooneyso inay boosas ama nafis uga hesho xabsiyada dad badan oo dhawaan la xiray kadib afgambigii dhicisoobay.
23000 oo qof ayaa dhawaan la xiray kadib markii lala xiriirshay afgambigii dhicisoobay kaasoo dhacay bartamihii bishii Luuliyo.
28 kun oo qof ayaa haatan dawlada Turkigu sheegtay inay xabsiyada kasii deyneyso. Dadkaa ayaa badankoodu waxay dhammeysteen kala bar muddadii xabsiga lagu xukumay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa aan dadkaa kujirin wixii galay dambiyo waaweyn sida dambiyada dilka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:00 and have

