Gaari Laga soo buuxiyay Walxaha Qarxo oo Lagu Weeraray Xarun Lagu Baaro Danbiyada ee Dalka Biljem-ka (VIDEO)

Gaari Laga soo buuxiyay Walxaha Qarxo oo Lagu Weeraray Xarun Lagu Baaro Danbiyada ee Dalka Biljem-ka (VIDEO)

daajis.com:- Xarun lagu baaro denbiyada culus ee dalka Biljem-ka ayaa saaka aroortii waxaa lagu weeraray gaari qarax ka kacay iyo Dab, xaruntaasi ayaa ah Sheyaar dambiyada lagu baaro oo ku taala magaalada Brussels ee caasimada dalka Biljam-ka, waxaana falkan loo xiray shan qof oo laamaha amaanka ay ku tuhmayaan inay ku lug leeyihiin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dabkan xarunta qabsaday la doonayay in lagu baabi’iyo feelal cadeymo ah oo yaala xarunta dacwad oogaha, waxaana dabka uu qasaaro gaarsiiyay qeybo kamid ah dhismaha uu yaalay Sheybaarka.


Gaari ayaa la sheegay in si xoog ah lagu marsiiyay sadex xeendaab uu lahaa dhismaha, waxaana halkaasi laga maqlay qarax aan la ogeyn waxa uu ka dhashay , waxaa sidoo kale halkaasi ka kacay dab xoogan.

Afhayeen u hadashay xafiiska dacwad oogaha ee dabku qabsaday ayaa warbaahinta u sheegtay in ujeedada dabku ay ahayd in la burburiyo faylal dhawr ah oo yaalay goobtaasi.

Dad ka agdhaw halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa qarax aysan ogeyn in bambaano uu ahaa iyo in kale, walina ma jiro faah faahino badan oo laga bixiyay dabkan ka kacay xarunta shaybaarka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada