DAAWO:- XAASHI Bulxan oo Maanta Laga saaray Guri Dabaqa oo la’isku haystay

DAAWO:- XAASHI Bulxan oo Maanta Laga saaray Guri Dabaqa oo la’isku haystay

daajis.com:- Maamulka Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa maanta Marwo, Duniyo maxamed Faarax iyo Haweeyo maxamed Faarax ugu danbeyntii kuwareejiyay guri ay la haanshihiisu ay isku qabsadeen haweenkani iyo Xaashi Bulxan, oo horay darawel ugu ahaa allaha u naxariistee Madaxweynihii Dowladii Dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.


Maxkamada Dalka ayaa ugu danbeyn go’aamisay in Haweenkani Duniyo maxamed Faarax iyo Haweeyo maxamed Faarax ay yihii Milkiilayaasha saxa ah ee guriga ayna haystaan waqadaha saxa ah ee gurigaasi.
Xaashi Bulxan

Milkiilihii asagana gurigaasi sheegtay oo lagu magacaabo Col. Xaashi Bulxan ayaan weli ka hadlin go’aaanka ka soo baxay maxkamada, waxaana munaasabadii koobneyd ee maanta lagu qabtay gurigii la’isku haystay ka soo qaybgalay ninkii guriga laga iibiyay ee gurigaasi gabdhahan ka iibiyay, waxa uuna sharaxaad kooban ka bixiyay Taariikhda gurigaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada