Madaxweyne ku Xigeenka Koofurta Suudan Riek Machar oo u Baxsaday Dalka Congo (VIDEO)

Madaxweyne ku Xigeenka Koofurta Suudan Riek Machar oo u Baxsaday Dalka Congo (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne ku Xigeenka dalka Koofurta-Suudan oona ah Hogaamiyaha mucaaradka dalka Koofurta Sudan Riek Machar ayaa lasheegay inuu ka baxsaday dalka Koonfurta Sudan ee uu ka gudbay Xadka uu dalkaasi la leeyahay Jamhuriyada Dimuqraadiga ee Congo, kadib dagaal ka dhacay caasimada dalkaas ee Juba.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Congo ay sheegeen inuu Riek Machar ku sugan yahay dalkaasi, ayna ku wargeliyeen dowlada Congo inay ogaato sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York ee dalka Maraykanka.


War ka soo baxay afhayeenka ururka uu hogaamiyo Riek Machar ee (SPLA-IO) ayaa lagu sheegay in Arbacadii uu hogaamiyahooda ku suganaa dal ammaan ah oo deris la ah wadanka Koofurta Sudan.

Afhayeenka mucaaradka oo lagu magacaabo James Gatdek Dak ayaa ku soo qoray bogiisa Facebook inuu lug ka dhaawacan yahay hogaamiyaha mucaaradka, dhaawacaasna yahay mid fudud kaasoo ka dhashay socod uu maalmo lugeynayay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada