Maraykakanka oo Weearar Xoogan ku Qaaday Magaalada Sirte ee Dalka Liibiya (VIDEO)

Maraykakanka oo Weearar Xoogan ku Qaaday Magaalada Sirte ee Dalka Liibiya (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada dalka Maraykanka ayaa qaaday weeraro dhanka cirka ah oo ay ka gaysatay goobo ay Liibiya ka joogaan kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ee Daacish.

Weeraradaas waxaa lagu bartilmaameedsaday goobo ku yaalla magaalada Sirte oo ah meel ay ku xoogsn yihiin kooxdaasi isugu yeertay Dawladda Islaamka ee Daacish.

Rai’sal wasaaraha Liibiya Fayez al-Sarraj oo jeediyay khudbad telefeshinka laga sii daayay ayaa sheegay in weerarkaas uu waxyeello wayn u gaystay xag jiriinta.

Dalalka reer galbeedka ayaa si isa soo taraysa uga walaacsanaa Dawladda Islaamka oo ku sii fideysa dalka Liibiya.
Weeraradaas xagga cirka ah waxay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ay Maraykanku ka fuliyaan dalkaasi, kadib geeridii Gadaffi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada