Maryan Nuuxe Muuse oo Gashay Kaalinta 57-aad ee Ciyaaraha Olombikada Rio-2016

Maryan Nuuxe Muuse oo Gashay Kaalinta 57-aad ee Ciyaaraha Olombikada Rio-2016

daajis.com:- Orodyahanada Maryan Nuuxe Muuse oo Soomaaliya u mataleysay tartanka ciyaaraha Olympicada adduunka ee ka soconaya magaalada Rio ee dalka Barasil ayaa maanta soo bandhigtay orodkeeda.

Maryan  ayaa maanta gashay kaalinta 57-aad oo ahayd tan  ugu dambeeysa, waxayna ku oroday waqti gaaraya 1:10,14 ilbiriqsi, iyadoo Maryan ku tartameysay orodka 400-mitir  ee dumarka.


Ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee u orda dalalka qaaradda Yurub iyo Ameerika aay Kaalimo fiican ka gala tartamada ay ka qayb galayaan, madaama ciyaartoodani ay haystaan Tababarro fiican iyo nafaqada uu jirkooda u baahanyahay, taasina waa tan ka maqan ciyaaryahanadeena ku tababarta dalka gudihiisa.

Bishan 17-da ayaa waxaa isagana ordaya orordyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Da’uud  Waxa uuna ka qayb qaadan doonaa ciyaaraha ragga ee 5000 (shantakun ) ee mitir.



Wixii Muuqaal ah ee soo kordha kala soco halkan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada